ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 5aad...
ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 5aad... Waxay ku baraarugtay iyadoo joogta meel aysan garaneyn mugdi ah una eg Xero uu Ciidan ka guuray mana xaqiijin karto meesha ay tahay, waxay bilowday in ay qeyliso: “Waa maxay Meeshaan aan joogno? … War xagee ii waddaa…? Ilbiriqsiyo ka dib waa gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya si xoog ahna uga soo dejinaya, wax walba si deg-deg ah ayay ku dhacayaan. Istaahil wey qeylisay …. Wey ooysay … wey rafatay… wax walba oo karaankeeda ah ayay sameysay, bal in ay wax caawiya aragto, Laakiin nasiib darro yaa kaloo caawinaya oo halkaas jooga aan ka aheyn shabeellada ay maanta shabaqa ugu jirto?! Iyadoo sidaas u qeylineysa ayay mar kaliya ka war heshay dharbaaxi ka timid gacan culus oo xooggan, qeylo iyo tuur-tuurid, waxaa u xigay jirdil aan naxriisi ku jirin ilaa ay miyir daboolantay isla markaana ay waxba maqli weysay, waxna arki weysay. Intaas ka dib ma garaneyso wax ay ku sameeyeen, iy...