ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 4aad...


ISTAAHIL 

(Sheeko Gaaban) 


Qeybta 4aad...


Waxay ka shalleysay (ka Qoomameysay) guurkeeda iyo nolosheeda, waxay is tusisay in ay dareemeyso cidlo-nimo iyo in ay nolosha kali ku tahay… waxay bilowday in ay maalin kasta ninkeeda ku furto buuq iyo dhibaatooyin hor leh.

Qoyskii degannaanta iyo xasiloonida ku jiray, jaceylka, is-ixtiraamka iyo is-qadarinta ku dhisnaa wuxuu maanta marayaa nolol ku dhisan muran joogto ah, is qab-qabsi iyo mushkilad aan sababteeda iyo xalkeeda midna la aqoon.

Xuseen arrinkan wuu u adkeysan waayay, wuxuu billaabay in uu guriga ka maqnaado intii uu ka maqnaan jiray in ka badan, illaa uu gaaray in uu guriga u yimaado jiif oo kaliya, xitaa intaas ayuu ku ammaan heli waayay.

Ninkii shabeel ahaana aad buu u daahsaday jawaabta uu istaahil ka sugayo oo ah in ay ogolaato kulan iyo is aragti kale oo ay yeeshaan, codsigiisa ayuuna si joogto ah usoo cel-celinayaa.

Markii dambe Istaahil wey aqbashay ka noqosho la’aan, waxaad mooddaa inuu Ibleys dabada ka wado, go’aannadana u gooynayo, waxay tiri:

- “Maalmo yar I sug intaan jaanis ka helayo”

Maalin Arbaco aheyd ayuu ninkeeda u sheegay in uu aadayo safar shaqo oo muddo shan casho ah, farxad ayaa qaadday waxayna niyadda ka tiri:

- “kani waa waqtigii aan sugayay”

Xuseen wuxuu doonayay in uu istaahil u diro reerkeeda inta uu safarka ku maqan yahay si ay halkaasi ugu soo nasato, laakiin wey ka diidday, boqolaal cudur daar ahna wey soo hordhigtay oo ah in aysan reerka u bixi karin.

Xuseen cudur daarradii ay Xaaskiisa u soo tirisay buu ku aqbalay, in ay guriga iska joogto inta uu kasoo laabanayo ayuuna xal biday.

Ma aheyn tallaabadaasi mid uu ku qanacsan yahay balse wuxuu raadinayay qanacsanaanta xaaskiisa…yaase wax u sheega…!!!

Maalintii jimcaha ahayd, Xuseen isaga oo aad uga xun in uu xaaskiisa kaligeed guriga uga tago ayuu safarkii aaday. Wax dhici doonase Allaa og!!!

Markiiba istaahil waxay la xiriirtay ninkii shabeel ahaa waxayna u sheegtay in ay diyaar u tahay is araggii labaad ee uu ka dalbaday.

Wey ogtahay in waxa ay sameyneyso ay halis tahay, qalad weyna tahay, laakiin waxani waxay u aragtaa wax iyada go’aankeeda iyo awooddeedaba ka sarreeya illaa ay gaartay in aysan wax cabsi ahiba dareemin.

Waxaa lagu ballamay mid ka mid ah dukaamada waaweyn ee magaalada ku yaalla, ballantii ayuuna mid kasta oo labadooda ka mid ah ku yimid.

Waxay fuushay Gaarigiisa, iyadoo nafta ugu sheekeyneysa “aad ninka si wacan usoo baratid, dabeecadihiisa iyo dhaqamada kale ee u qarsoon” ... Hasoo barato ma xumee maxaa uga dan ah, sow iyadu maaha marwo la qabo oo carruur leh?!!!

Wuu socday gaarigii, ayadoo Magaalada jidadkeeda la war-wareegayo, Istaahil bilowgii hore waxba ma dareemin, balse markii dambe ayay wax xoogaa cabsi ah ku dhalatay.

Waxay aheyd markii ugu horreeysay nolosheeda oo ay la baxdo nin aysan waxba isu aheyn, waxa kaliya oo kala dhaxeeyana tahay sheeko sideed bilood oo kaliya socotay oo aheyd chat room-ka iyo hal kulan oo ahaa daqiiqad in ka yar.

Istaahil waxaa u muuqday in shabeel uu hayo welwel ka badan kan ay iyadu dareemeyso, sidaas daraadeed iyadaa ku bilowday hadalka:

- “Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga, waxaan ka baqayaa in uu ninkeyga soo waco telfoonka guriga, ama ay wax kale dhacaan”

Isaga ood mooddo atoore jilaya filim kaabooy ah ayuu bixiyay oo haddana si xarago ah u gashaday indho-gashi (Ookiyaale) uu watay wuxuu yiri:

- “Waayo aad uga fakareysaa? Iska daa hasoo wacee, Maxaa ka macne ah?!

- “Maxaa ka macne ah AAA?!! Aniga wey I dhibeysaa inaan guriga Wax badan kasii maqnaado, intan wey nagu filan tahee ii jooji gaariga aan gurigeyga u noqdee”

- “Maya wax weyn maaha inaan waqti wada qaadanno, wax xoogaa ka dib adigaa la qabsan doono ... malaha jawiga ceynkan ah ayaa kugu cusub?!” ... qosol yar oo kajin ah ayuuna u raaciyay

Istaahil ninka sida uu u hadlayo iyo ereyaduu adeegsanayo uma bogin, wel-welkii hayay ayaana kusii xoogeystay …Waxan ay dul saaran tahay waa gaari aan xowli yar ku socon, kama boodi karto, xoogna kuma istaajin karto… Bal maxaa xal ah?!!

Haddii ay lugeyn lahaayeen mar horreey ka hari laheyd ayadoon waxna u aaba yeelin, sababtoo ah xaaladdan oo iyada ku cusub iyo hadaladiisa jees-jeeska ah ayaa ka saaray jawigii farxadda ahaa ee ay ku jirtay dhowr daqiiqo ka hor.

Waxaa “0 balance” ah haraageeda dhinaca kalsoonida iyo dhiiranaanta, waxay dan bideysaa in gaariga loo joojiyo oo ay bartaas uga harto… yaase warkeeda ku jira?!!

Waxay mar kale si uu jil-jileec ka muqdo u weydiisatay in uu gaariga joojiyo, si boosteejada ay bas uga raacdo, waxay u sheegtay in aysan marnaba raali ka aheyn in wax intaan ka badan ay guriga ka daahdo.

Wuxuu yiri:

- “Xoogaa waan soo daaheynaa, maxaa yeelay marna si fudud kuguma sii deyn karo, waxa kaliya oo aan doonayaa inaan xoogaa waqti ah adiga kula qaato… ishana kaa buuxsado…waxaa laga yaabaa inaadan mar dambe ii ogolaan inaan dib kuu arko”

Istaahil sida in Galaas biyo ah lagu shubay baa jirkeeda dhidid wada qoyay, garaacii wadnaha ayaa sare u kacay, addimada ayay ka gariirtay, waxay dareentay in ay maanta shabaqa ugu jirto shabeel ay lugaheeda ugu tagtay keyntiisa.

Cabsida soo weerartay darteed ma qiyaasi karto inta saac ee ka soo wareegtay markii ay gaarigan baas soo raacday, xitaa ma garan karto jidka ay hayaan iyo meesha ay u socdaan toona.

La soco Qeybta 5aad 
(waana qeybta ugu dambeysa)

Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117

Comments

Popular posts from this blog

MY CULTURE: ISTUNKA AFGOOYE

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 3aad...

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 1aad...