ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 2aad...
ISTAAHIL
(Sheeko Gaaban)
Qeybta 2aad...
Si kasta oo ay nafteeda ula hadashay oo ay u canaanatay hadalkii kululaa ee seygeeda ka dib, waxba kama tarin in ay is bar qabato, ku dhex jirka iyo isticmaalka internetka wuxuu u noqday wax sida balwadda ama ka xooggan u qabanaya oo ay si joogta ah u tabeyso.
Habeen kastana waxay gaartaa go’aan cusub oo internet-ka ka dhan ah, Laakiin go’aan kasta oo ay gaarto iyo talo kasta oo ay nafteeda hor dhigto waxaa ka xoog badan xiisaha weyn ee uu internetku ku dhex yeeshay nafsaddeeda iyo sida uu nolosheeda u saameeyey.
Muddooyinkii dambe waxay gaartay heer ay ka tagto xannaanadii carruurteeda, waxayna u deysay adeegtadii guriga.
Waxay xifddisay waqtiyada uu ninkeeda shaqada dhammeeyo ee uu gurigana kusoo aaddan yahay si ay u damiso internet-ka oo uusan ugu arag iyadoo chat-ka ku mashquulsan.
Wax kale iska daaye Istaahil markan waxay si aad ah u dayacday nafteeda, waagii hore aad ayay isu qurxin jirtay, sida ugu soo jiidashada badanna wey u labisan jirtay, inta uusan ninkeeda shaqada kasoo laaban ayay aad uga shaqeyn jirtay nadaafadda oogadeeda iyo bilicda labiskeeda.
Tan iyo intii guriga loo soo geliyey internet-ka waxay bilowday in ay si tartiib-tartiib ah u ilowdo daryeelkii nafteeda, seygeeda iyo carruurteeda illaa ay dhammaan wada ilowday, Waxay gaashaan ka dhigataa cudur-daarro been abuur ah sida:
- “Ma aadan ii sheegin inaad waqtigan soo laabaneysid… een waqtigaagii baad kasoo hor martay… waan xannuunsanaa IWM.”
Xiisihii iyo marqaankii internetka uu ku beeray wuu sii kordhay, waxay gaartay heer marka uu ninkeeda seexdo in ay sariirta kasoo kacdo oo ay internet gasho, marka ay waqti badan ku qaadatana ay dib sariirta ugu laabato inta uusan ninkeeda soo kicin, laga yaabee in uu dareemay sida ay wax u socdaan, laakiin wuxuu ugu dhimrinayay kali-nimada xaaskiisu ku jirto maadaama ay ka fog yihiin ehelka iyo asxaabtuba, isagana uu shaqo ku mashquulsan yahay saacado badan oo maalintii ah.
Sidaas oo ay tahay xuseen waxaa aad u dhibayay daneyn la’aanta ay u heyso isaga iyo carruurta, si joogta ah ayuu u canaantaa (Af ahaan), laakiin hubka ay isaga difaacdo ayaa ah Oohin iyo is niyad xumeyn, waxay ku andacootaa:
- “Maxaad ka ogtahay waxa guriga ka socda?! Ma adigaa ka war qaba daalka iyo mashquulka xooggan ee aan ku qabo howsha guriga iyo xannaaneynta carruurta?! Sidee ii oran kartaa waxaas iyo waxaas?!!”
Markaas ka dibna xuseen aad ayuu ugu beer jileecaa xaaskiisa, wuxuuna garowsadaa in ay tahay xaas wax badan dadaaleysa isla markaana u baahan kaalmo iyo caawinaad, sidaas ayuuna canaanta ku hakiyaa.
Ka hor intii aan internet-ka guriga lasoo gelin marka uu ninkeeda guriga ka maqan yahay waxay wici jirtay tobannaan jeer inay maqasho codkiisa oo kaliya, hadda in ay is maqlaan oo ay wacdo kaliya waa wax ku yimaada xaalad laga fursan waayay oo guriga ka jirta ama si kale ula soo gudboonaata, haddii kale marka uu guriga kusoo noqdo uun bay isla hadlaan.
Xuseen waxaa ku dhashay Maseyr weyn oo uu u qaaday internet-ka, balse maseyrkaasi waxay kula dagaalami jirtay is oohin iyo xeeladda wax qancinta oo la tilmaamo in Dumarku ay ku dheereeyaan.
Sidaas ayay noloshoodu aheyd mudo ku dhow sideed bilood, Muddadaasi sideedda bilood ah maalinna kuma soo dhicin xuseen maskaxdiisa in istaahil ay si aan sax aheyn u isticmaasho internet-ka uu guriga usoo dhigay.
Istaahil bilooyinkaasi kooban gudahood waxay xiriirro dhex mareen dad badan oo “Friends-keeda” (Saaxibada baraha Bulshada) ah kuwaasoo qaarkood wata magacyo lasoo tabal-caareystay, xarfo lasoo gaabiyey, iyo hal-ku-dhigyo magac ahaan loo adeegsanayo kuwaasoo aan la garaneyn in ay niman yihiin iyo in ay haween yihiin toona.
Qof kasta oo “Chat-ka” usoo gala si uu ula sheekeysto wey la sheekeysaneysay, xataa iyadoo og in uu qofku yahay mid aan wax dan ah u wadin.
Mararka qaar dadkaasi waxay ka codsataa in ay ka caawiyaan wax ku saabsan adeegsiga Computer-ka oo iyada xaggeeda ka ah wax dhib badan oo ku cusub.
Nin ka mid ah dadkaasi ayaa xiriirkoodu oo joogta noqday, sababtoo ah wuxuu xirfad fiican u lahaa Computer-ka iyo qeybihiisa, wuxuu xariif ku yahay baraha bulshada, wuxuu leeyahay dhowr ciwaan oo magacyo kala geddisan ah.
Mar kasta wey la sheekeysan jirtay, dhib kasta oo kala soo gudboonaada computer-ka ama internet-ka isagay kala kaashataa, weligood isma arkin laakiin waxay si joogta ah ugu wada sheekeystaan internet-ka.
Kulamada wada sheekeysiga iyo xog is dhaafsiga internet-ka dhexdiisa ah ee dhexmaraya istaahil iyo ninkaas ka caawiya adeegsiga iyo xalinta caqabadaha computerka iyo interne-ka, wuxuu noqday mid maalinle ah.
Sheekada labadan qof kuma koobneyn talo bixin cilad internet-ka ama computer-ka ku timid ee waxay xitaa mararka qaar tagaysay in la kaftamo, isla markaana laga sheekeysto dhacdooyin xasuus leh oo qof kasta noloshiisa hore saameyn ku leh.
Istaahil iyo ninka Baraha Bulshada kusoo gala magaca “Shabeel” xiriirkoodu wuxuu ka batay inta ay la xiriirto asxaabta kale ee ay baraha bulshada iska barteen.
Shabeel wuxuu istaahil ku kadiyey hadalkiisa Malabka ah, iyo ereyadiisa jaceylka eed mooddo inuu buug kasoo xafiday, laga yaabee in ereyadiisu aysan aad u qurxooneyn balse uu sheydaan uun malab u marinayo uguna qurxinayo si xadka ka baxsan.
Sidaasoo ay tahay kaliya waxay si qoraal ah ugu sheekeysan jireen qeybta wada sheekeysiga Facebook-ga mararka qaarna Skpe-ga, hayeeshee Maalin maalmaha ka mid ayuu ka codsaday in uu codkeeda maqlo wuuna ku adkeystay dalabkiisa, isagoo si dadban ugu muujinaya in uu xiriirkooda jari doono isla markaana aysan mar dambe wada hadli doonin.
Istaahil ninkaasi nolosheeda qasay ee internet-ka usoo maray wax jaceyl ah uma qabto, markastana waxay garowsan tahay in ay tahay qof marwo ah oo la nool seygeeda oo aad u jecel.
Sidaasoo ay tahay xiriirka iyo wada sheekeysiga internet-ka uun ku kooban ee kala dhaxeeya shabeel waxay u aragtaa mid dan weyn ugu fadhiya iyada maadaama ay weli u baahan tahay qof ka caawiya xalinta ciladaha internet-ka iyo Computer-ka, sidoo kale waxaa xiiso geliya sheekooyinkiisa qaarkood ka bad-badiska ah iyo kaftankiisa oo ay u aragto wax fir-fircooni gelinaya nafteeda.
La soco Qeybta 3aad
Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117
Comments
Post a Comment