ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 5aad...

ISTAAHIL 

(Sheeko Gaaban) 


Qeybta 5aad...

 Waxay ku baraarugtay iyadoo joogta meel aysan garaneyn mugdi ah una eg Xero uu Ciidan ka guuray mana xaqiijin karto meesha ay tahay, waxay bilowday in ay qeyliso:

“Waa maxay Meeshaan aan joogno? … War xagee ii waddaa…?

Ilbiriqsiyo ka dib waa gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya si xoog ahna uga soo dejinaya, wax walba si deg-deg ah ayay ku dhacayaan.

Istaahil wey qeylisay …. Wey ooysay … wey rafatay… wax walba oo karaankeeda ah ayay sameysay, bal in ay wax caawiya aragto, Laakiin nasiib darro yaa kaloo caawinaya oo halkaas jooga aan ka aheyn shabeellada ay maanta shabaqa ugu jirto?!

Iyadoo sidaas u qeylineysa ayay mar kaliya ka war heshay dharbaaxi ka timid gacan culus oo xooggan, qeylo iyo tuur-tuurid, waxaa u xigay jirdil aan naxriisi ku jirin ilaa ay miyir daboolantay isla markaana ay waxba maqli weysay, waxna arki weysay.

Intaas ka dib ma garaneyso wax ay ku sameeyeen, iyo sida ay wax u dhaceen, xittaa ma oga waxay ahaayeen dadka iyo inta ay ahaayeen, laba ka mid ah uun bey aragtay waa shabeelkii gaariga kusoo qaaday iyo ninkii marka dambe gaariga xoogga uga soo saaray balse tiro ahaan way ka badnaayeen intaas.

Wax kasta sidii Biriqda ayay ku dhaafayaan… Haa sida Biriqda, wax ay qiyaasi karto ma jiraan.

Waxay ku baraarugtay oo ku miyirsatay iyadoo Qol faaruq ah dhabar-dhabar u jiifta, dharka intii badneydna laga siibay, qaarna laga jeex-jeexay, hareeraheeda dhiig badan oo xinjirro wata ayaa daadsan, waxay mar kale bilowday in ay qeyliso oo ooyso iyadoo weliba cabsaneysa.

...Shabeel oo xabad Sigaar ah afka ku wata Qiiq madowna afuufaya ayaa isagoo qoslaya qolkii soo galay, intuusan la hadlin bay istaahil tiri:

- “illaah baan idinku dhaarshee iska key sii daaya, inaan gurigeyga ku noqdaan doonayaaye.

- “Gurigaaga waad ku noqon doontaa, laakiin waxaad iga ballan qaaddaa inaadan qofna la wadaagin arrintan haddii kale fadeexad ayay ku noqon doontaa ehelkaaga, laga yaabee haddii aad I dacweysana inaan carruurtaada ka aarsado… ku darsoo waxaan heynaa filim yar oo aan kaa duubnay intii ay howshu socotay”

Wareer… waa masiibo iyo fadeexad tii ugu xumeyd, ma heyso wax xeelad ah oo ay ku baxsato wax kasta way dhaceen weliba sida ugu fool xun ayay u dhaceen.

Iyadoo ooynaysa ayay mar kale tiri:

- “Kaliya waxaan doonayaa inaan gurigeyga aado, qofna u sheegi mayo, fadlan iska key fasaxa”

Ereyada istaahil ee ay ka dha-dhamayaan murugada iyo caloolyowga sinna uma saameyn shabeel oo halaaggii ugu xumaa nolosheeda u geystay, inta xabadkii sigaarka ahaa gumadkiisa cagta mariyay buu si kibir ku jiro u dhahay ina keen aan ku kaxeeyee.

markii koowaad way istaagi kari waysay balse iyagaa xoog ku istaajiyay, Gaarigii baas baa mar kale la fuulay, iyadoo istaahil weli ay cabsidii iyo welwelkii hore iyo mid ka daranba dareemeyso.

Meesha falku ka dhacay iyo gurigeeda wuxuu gaariga u socday muddo labo saacadood ah, waa xilli fiid ah oo aan iftiin badan jirin istaahil iyadoo indhaha ka xiran ayaa meel gurigeeda u dhaw lagu tuuray, nasiib wanaag cidna ma arag iyadoo sidaas u qaawan, Guriga ayay si hal-haleel ah ku gashay.

Waxay ku laabatay oohinteeda illaa ay ilmadii ka dhammaatay, waxay xaqiiqsatay in Masiibadan ay iyada isu horseedday.

Wey rumeysan kari weyday waxa ku dhacay, habeenkii oo dhan waxay maxbuus ku noqotay qolkeeda jiifka, ma arag carruurteeda, cuntana afkeeda kama degin.

Maalmihii ku xigay oo idil sidaas ayay silic ugu jirtay, mar kastana nafteeda ayay hiifeysay:

- “Alla hoogayeey! Maxaan sameeyaa? Jaxiimaan lugaheyga ku doontay, marxaladdan ka dib muxuu xaalkeygu noqon doonaa?!!!

Waxay ka baqeysaa in ay fadeexad la kulmi doonto, waxay is weydiineysaa waxa ay seygeeda u sheegi doonto, su’aal kasta oo ay isweydiisana waxaa ku adag in ay u hesho jawaabtii ku habooneyd, waxay taagan tahay quus, waxayna ku dhawdahay in ay nafteeda nacdo… Alla Murugo iyo Ciil badanaa!!!

Seygeeda xuseen ayaa shan maalmood ka dib safarkii ka soo noqday, wuxuu dareemay in ay ooridiisu wax si’ ka yihiin oo xaaladdu aanu u wanaagsaneyn sidii hore, laakiin cidna way ka shaafin weysay sida ay wax u jiraan iyo dhibaatadu halka ay ka timi.

Maalintii dambe ayuu xaaskiisa si xoog ah ku geeyey cusbitaal si loo ogaado caafimaadkeeda, Nasiib wanaag dhaqaatiirtii ma ogaanin sida ay wax u jiraan, kaliyana waxay Fahmeen in ay jirto cunno xumo iyo Nasiino la’aan xagga Maskaxda ah.

Intaas ka dib, istaahil waxay gacaliyaheeda ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu reerkeeda ugu qaado, xuseenna sidii buu yeelay.

Reerkii istaahil waxay garan waayeen oohinta ay maalin kasta gabadhooda ku jirto, waxayse iska dhaadhiciyeen in iyada iyo ninkeeda ay isa soo dagaaleen oo mushkilad qoys ay arrintu tahay.

Istaahil aabaheed cabdi baa la xiriiray xuseen si uu u ogaado waxa istaahil ka oohinaya, laakiin wax natiijo ah kama soo bixin xiriirkaasi, sababtoo ah xuseen waxba kama oga dhibaatada istaahil ka oohineysa.

Qof garanayo ma jirto waxa istaahil ku dhacay, kaliya waxaa xaqiiqda og istaahil iyo raggii dhibaatada u geystay.

Istaahil ehelkeedu waxay geeyeen Xarrun dadka lagu quraan saaro, iyagoo u heysta wax gabadhooda haleelay in ay Jin ama sixir yihiin.

Maalmo markii ay sii joogtay guriga aabaheed ka dib waxay wacday seygeeda xuseen waxay ka dalbatay furriin, markii hore iyadaa isla rabtay furriinka balse imika isagay la rabtaa in uu dhibkeeda ka istareexo si uu u guursado gabar kale oo iyada ka dhowrsan, waxay niyadda ka tiri:

- “Xaq uma lihi inaan la sii noolaado qoys sharaftiisu dhowrsan tahay, in la I furo ayaa xal u ah ixtiraamka sharafta iyo karaamada carruurteyda aabahood, waxa dhacaya oo dhan waa wax aan labadeyda gacmood ku kasbaday, runtii waan ISTAAHILAA”

Furriinka ay istaahil dalbaneyso uma aragto in uu yahay tallaabo kale oo qaldan oo ay dooneyso in ay ku saxdo qalad ay mar gashay, balse waxay u aragtaa xalka ugu haboon ee horyaalla.

Ninkii Shabeel ahaa, Friends-kiisa ayuu ka saaray Istaahil, wuxuu bedeshay magacii iyo sawirkii u saarnaa, dib dambena uma soo wicin, kaliya wuxuu ahaa qof internet-ka ku Ugaarsada iyaduna dabinkeey ugu soo dhacday, dantii uu ka lahaana wuu ka gaaray.

Muddo dhowr todobaad ah ayay murugsaneyd xaaladda istaahil oo cid wax ka ogna aaney jirin.

Maalintii dambe ayay geeriyootay murugadii iyo xannuunkii nafsiga iyo jir ahaan ee ay ka dhaxashay waxyeeladii ay u geysteen shabeel iyo saaxiibadiis, taasoo ka mid ah natiijadii ka dhalatay isticmaalkii qaldanaa ee internet-ka.

Hadda ma jiro qof dib u celin kara wixii dhacay, mana jiro qof soo sixi kara wixii qaldamay, wax walbana si aan ku habbooneyn ayay u dhaceen, istaahil waxay dhimatay iyadoo lagu xad gudbay oo murugo iyo qoomamo qabta.

Dhammaad...

Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117

Comments

Popular posts from this blog

MY CULTURE: ISTUNKA AFGOOYE

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 3aad...

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 1aad...