ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 3aad...
ISTAAHIL
(Sheeko Gaaban)
Qeybta 3aad...
Mararka qaarkood marka ay aragti isku fahmi waayaan wuxuu ku hanjabaa in uu ka saari doono liiska asxaabtiisa Facebook-ga (Unfreind dhihi doono).
Marka uu u sheego in uu xiriirkooda jarayana waxay istaahil la tahay wax weyn oo muhim ah oo nolosheeda ka hari doona iyo in ay khasaare la kulmi doonto.
Markii koowaad ee uu usoo jeediyey in uu codkeeda maqlo wey ka diidday waxay isku deyday in ay u sheegto in aysan awoodin arrinkaasi, laakiin wey ku guuleysan weyday in ay diidmadeeda ku adkeysato.
Wax badan oo ay ka doodeen waan wada hadleenaa iyo ma wada hadli karno ugu dambeyn Waxaa leysku dayay in meel dhexe leysugu yimaado.
- “Waan wada hadleynaa bishardi hal wada hadal oo kaliya oo aan mar dambe wada hadlin cod ahaan”
Markii hore istaahil waxay soo joodisay in wada hadalka laga dhigo Facebook-call (Facebook qeybta codka) laakiin shabeel ayaa diiday oo ku adkeystay in telfoonka laga dhigo wada hadalka.
Lambarada telfoonada ayaa leys dhaafsaday, wey wada hadleen iyadoo istaahil wel wel weyn iyo cabsi badan ay qabto, laakiin shabeel hadalkiisu aad ayuu u macaanaa.
Istaahil wey gariireysay markastooy shabeel codkiisa maqasho, waxay ogeyd in sheydaan sadex ku yahay una qurxinayo arrintaasi, laga yaabee in ay tani tahay bilowga dagaal lagu soo qaaday dhowrsanaanteeda iyo akhlaaqdeeda intii ka harsaneyd.
Sheekadu markan waxay u egtahay in istaahil seygeedu yahay nin dayac badan oo cidleeyey xaaskiisa, laakiin xaqiiqdu sidaa maaha, waa lidka sida ay wax u muuqdaan.
Xuseen shaquu kasoo bixi jiray, in badanna ma aadi jirin meelaha saaxiibadiis ku kulmaan galbihii iyo fiidkii, qalbi-dhowrka xaaskiisa iyo kalinimada uu la diiddanaa darteed ayuu si toos ah guriga usoo aadi jiray.
Maalmo badan markii ay kasoo wareegeen ka dib oo ay istaahil macalimad ku noqotay internet-ka iyo isticmaalkiisa oo ay maalin iyo habeen walba ku jiri jirtay isku cel-celis ahaan sideed illaa laba iyo toban saacadood, ayay bilowday inay karahsato daqiiqadaha uu ninkeedu guriga joogo.
Si ay gacaliyaheeda uga dhaadhiciso in uu wax badan guriga isaga maqnaado waxay ku catoowday, kuna boorisay in uu badsado saacadaha shaqada, gelinka dambe galbihii oo kale in uu shaqeeyo si ay uga baxaan deynta is fuufuushay ee lagu leeyahay, isla markaana ay helaan guri milkiyaddooda ah oo ay uga reystaan lacagta tirada badan ee bil kasta looga qaado kirada guriga ay hadda deggan yihiin.
Dabcan xuseen hadalkii xaaskiisa ayuu qaatay, mid saaxiibadiis ka mid ah ayuuna mashruuc yar shirko kula noqday, markaas ka dibna saacadaha ay istaahil internet-ka ku jirto intii hore ayay kasii bateen, sababtoo ah waxay heshay fursad ay internetka ku dhex mushaaxdo.
Calaaqaadkii ay la laheyd ninkan ay internet-ka iska barteen ayaa sii xoogeystay, wuxuuna billaabay in uu ka dalbado in ay is arkaan maadaama ay cod ahaan is maqleen.
Istaahil marna uma aabayeelin, kamana hoos qaadin dalabkaasi aan ujeedka qurxooneyn, sidaasi oo ay tahay codsigaasi ah in leys arko isaga ka hor iyada xitaa wey ku hamin jirtay in ay aragto, balse waxaa ka hor taagnaa in ay damacaasi caddeysato cabsi ay ka qabtay in ay fadeexad la kulanto.
Shabeel Codsigiisa ah in leys arko ayuu si indho la’aan ah ugu adkeystay kuna tir-tirsiiyay in hal mar oo kaliya leys arko…aragti oo kaliya… aan intaas wax kale dheereyn xitaa aan wax hadal ah leys dhaafsan doonin.
Dhowr jeer oo isku xig-xiga ayuu shebeel codsigaasi ku cel-celiyey laakiin wuxuu markii dambe rumeysan waayay in ay istaahil ka ogolaatay dalabkii ahaa in ay is arkaan waxay tiri:
- “Waan Aqbalay bishardi in ay tani ahaato tii ugu horreysay uguna dambeysay”
Shabeel wuxuu yiri:
- “anba intaas oo kaliyaan doonayay, kaliya ujeedkeygu waa in aan is aragno, wax hadal ahna aynaan is dhaafsan”
Shabeel farxad buu lakala batay maadaama ay istaahil ka aqbashay codsigii ugu adkaa ee uu usoo jeediyo.
Wuxuu istaahil ku qanciyey in aysan wax dhib ah xaggiisa kala soo kulmi doonin inta ay wada joogaanna uu u noqon doono sida gidaar adag oo kale.
Intii ay gabarnimada ku joogtay guriga hooyadeed waxay aheyd qofta waligeed in ay nin meel u raacdo iska daayee aan xittaa waddo la istaagin, Dhammaan raggii ay soo wada hasaaween oo uu ku jiro xuseenka ay hadda marwadiisa tahayna waxay ku booqan jireen guriga aabaheed si asluubeysana wey u kala sheeko bogan jireen maantase waa xaalad kale.
Istaahil iyo ninka shabeel ah ee ay internet-ka iska barteen waxay ku heshiiyeen in uu kulankooda ku koobnaado is aragti oo kaliya, oo aan wax ereyo ah leys dhaafsan.
Waa la ballamay iyadoo sheydaanna uu sadex ku yahay suuqyada waaweyn mid ka mid ah, Dukaankaas… Saacaddaas… Daqiiqaddaas.
Meeshii iyo waqtigii lagu ballamay ayaa lagu kulmay, Istaahil wey aragtay ninka, isagana wuu arkay iyada… Alla Leysma arkeenaa!!!
Shabeel wuxuu ahaa quruxlow aad usoo jiidasho badan, Dhererkiisa, Miisaankiisa, iyo bilicda dharkiisa, dhan walba oo muuqaalkiisa ka ka tarjumayana wuxuu ahaa mid soo jiidasho leh.
Istaahil iyo shabeel waxay is arkeen muddo daqiiqad ka yar, daqiiqaddaasi ay is arkeen waxay dareentay in aysan arkin nin ka qurux badan abid intii ay nooleyd.
Ninka istaahil qaba ma fool xuma, ma gaabna, mana buurna, sidoo kale ma aha nin aradan oo labis xun, laakiin nafsaddu waxay tustay inaaney hore u arag nin ka qurxoon shabeelka ay maanta aragtay, isna xaggiisa ma rumeysan in uu la sheekeysan jiray gabar sideeda u eg.
Is araggooda ka dib fariin qoraal ah oo uu facebook usoo dhigay ayuu ugu caddeeyey in uu ku farxay aragtideeda.
Wixii maalintaas ka dambeeyey sheekadii dhex mari jirtay labadan qof ee internet-ka uun iska bartay wuxuu shabeel u bedelay mid hasaawe u eg, wuxuu maalin kasta u sheegaa in uu la indho-daraandaray quruxdeeda, Isla markaana uu u jeclaaday sidii wax waalan oo kale, haddii uu waayana uu is dilayo… is dilayo aaa?!
Istaahil markii sidaas loo sheegay waxay iska dareentay naaganimo, waxay bilowday inay isku tuhunto qurux aysan hore isugu tuhmi jiri xittaa guurkeeda ka hor.
Shabeel ma uusan ogeyn in istaahil xaas tahay oo la qabo, weliba uu eebe carruur ka siiyey, hayeeshee markii dambe ayuu ogaaday, istaahil ayaa u sheegtay in ay xaas la qabo tahay.
Tan iyo intii ay is arkeen wada sheekeysigoodu wuxuu isu bedelay wada sheekeysi jaceyl, shabeel wuxuu ogaaday meelaha ay istaahil ka nugushahay iyo daciifnimadeeda, sheydaanna wuu caawinayey, laga yaabee hoggaankaba in uu u hayay.
Aad ayay isugu dheeraadeen, istaahilna ninkan codkiisa iyo sheekadiisa waxay u noqdeen wax daroogo ah oo kale oo qabanaya haddii ay saacad is moogganaadaan, waxay nafteeda ka dareentay in ay daneynayso in ay mar kale is arkaan, laakiin suurtagal uma aheyn taas iyadoo weliba seeygeeda uu magaalada joogo.
Shabeel wuxuu mar kale soo celiyey damaciisa, wuxuu billaabay in uu codsado in mar kale leys arko, isagoo ku beer laxawsanaya ammaan iyo xayeeysiin xad dhaaf ah:
- “Waxaad tahay Xuural ceynta Adduunka… ma jiro wax aan kugu tilmaamo si aan u qiyaaso quruxdaada… iyo… iyo… iyo”
Istaahil mar walba waxay xasuusineysaa in ay tahay qof marwo ah oo carruur leh, xiriir kale oo sidaas u egna uusan ka suurtoobin.
Shabeel halgankiisa guracnaa wuxuu ku dhawaaday in uu istaahil nacsiiyo ninkeeda oo aan weligiis raaxo dareemin farxad gelinta iyo fulinta dalabaadka xaaskiisa iyo carruurtooda darteed.
Istaahil muddooyinkan dambe waxaa ku dhaca madax-xannuun iyo wahsi saa’id ah haddii maalin ama labo ay shabeel ka weyso Chat-room-ka, sidoo kale waxay dareentaa maseyr haddii ay aragto isaga oo dad kale la sheekeysanaya, ma garaneyso sababta iyo waxa lasoo dersay.
Shabeel wuxuu dareemay in ay gabadha isaga ku waalan rabto, wuxuu gartay sidii uu uga faa’ideysan lahaa, waxaad mooddaa in uu wato dhaqankii shabeelka duur joogga ahaa sidaasna loogu bixiyey naaneysta shabeel.
Wuxuu gabadha la qabo isku dayayaa in uu gurigeeda ka saaro isla markaana isagu Hanto… Hanashadee?!!! laga yaabee inuusan damaciisuba aheyn hanasho mustaqbal ku dhisan ee uu kaliya maaggan yahay wax intaas ka soo sokeeya oo ah in uu fitno u horseedo isagoo damaciisa gaaban fushanaya.
Wuxuu had iyo jeer lasoo shir tegayaa ereyo aad moodo in uu soo xafiday oo uu doonayo in uu ku qalbi xado.
- “istaahil ma sidan baan ku jirnaa illaa aan murugo u dhimmanno?! Ma caqli-gal baa in midkeen jeclaado kan kale haddana aan kari weyno xittaa in aan isku soo dhawaanno”
- Walaalow aniga sow kuuma sheegin in aan ahay xaas la qabo oo carruur leh?!
- Qasab waa in uu xal jiraa aan ku kulmi karno, si aan ugu wada noolaanno hal saqaf hoostii ...
"Ku wada noolaanno hal saqaf hoostii aaa?!!
Markii ay ereygaasi maqashay aad ayay u gariirtay ilkahana isku garaacday argagaxa ay ka qaadday fekradaasi foosha xun darteed.
Shabeel wax uusan isku deyin ma jirto, xittaa wuxuu u soo bandhigay guur, ka horna in ay ninkeeda ka dalbato in uu furo si ay isaga u guursato.
Wuxuu ahaa fekerkii ugu ugu foosha xumaa abid ee loo soo jeediyo, waxay ogeyd in diin ahaan iyo dhaqan ahaanba wax aad looga yaaq-yaaqsoodo tahay in ninkeeda oo ay jaceyl isku guursadeen, isla markaana ay jaceyl iyo kool koolin ku carruur dhaleen, welina ku wada nool yihiin, ay ka dalbato sabab la’aan in lakala tago oo ay bog cusub la furto qof cusub oo weliba ay iyadu ka marqaati tahay in uu waddo qaldan kusoo galay qeyb nolosheeda ka mid ah.
Sidaas oo ay tahayna wax baa dhankiisa u sii jeedaya oo ku qasbaya inaanay jarin xirriirkan gurracan ee ay la sameysatay ninkan ay internet-ka uun iska barteen, waxaad mooddaa in ay qeyb ka mid ah fekradihiisa cajabiyeen, malaha sheydaan ayaa shaqeysanaya, tamar badanna ku bixinaya in ay hirgasho arrintan.
Istaahil waxay maalmahan dareemeysaa in nafteeda ay xabsi ugu jirto ninkeeda, jaceylkii ay u heysayna uu dhammaad ku dhaw yahay ama maalmo ka horba dhammaaday… La yaab!! Waxay mareysaa in araggiisa, hadalkiisa iyo sida uu u egyahayba nacdo, dhibsato oo kiraaheysato la joogistiisa.
La soco Qeybta 4aad
Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117
Comments
Post a Comment