ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 1aad...


ISTAAHIL

(Sheeko Gaaban)


Waa yaab iyo Musiibo tii ugu weyneyd…! Marna ma rumeysaneysid waxa ku dhacay iyo waxa dhibaato ah oo ay nafsaddeeda usoo jiidday… Adduunka waxa ugu weyn ee ay hadda dooneyso waa in ay dembi dhaaf hesho iyo in ay iska dhimato inta aaney iyadu dilin nafteeda.
Ma garaneyso wax ay nafteeda ku sameyso xaaladdan quuska ah oo ay ku sugan tahay darteed.
Maalin kasta oo cusub oo dhalata waxay kusoo dhaweysaa oohin iyo Murugo joogto ah!!! Wey ooysaa oo ooysaa illaa ay gaarto in ay wax arki weyso.
Waxay jecleysataa in ay iska geeriyooto, Nolosha oo dhan wax qiimo iyo Nuxur ah uma laha.
Si ay qoomamo ku jirto ayay isu weydiineysaa “Maxaan u dhashay?... “Alla fiicnaan laheydaa haddaanba la I abuurin!”

Maxay sameyn kartaa wareer joogta ah bay ku sugan tahee?!
Wax walba oo ay heysato ama nolosheeda la xiriira waxay ugu muuqdaan kuwo aan Micno laheyn, dhadhanna laheyn.

Waxay ogtahay in ay labadeeda gacmood ceeb ugu soo jiitay nafteeda iyo Qoyskeeda, waxay sharaftooda dhaawacday ninkeeda iyo carruurteeda, si ay taas u saxdo waxay xal bidday in la furo oo ay isaga dhex baxdo qoyskaasi sharafta badan.
Waxay isu aragtaa wax kasta oo lagu tilmaamo in ay mudan tahay, Magac walboo xun iyo Tilmaan kastoo liidan waxay aaminsan tahay in ay istaahisho, Nacas, Dabaal, Hawo raac, iyo… iyo… iyo!!!
Run ahaantii Marka si Qoto dheer loo dhuuxo sheekadeeda wax kasta oo lagu sifeeyo way tahay! Laakiin waa Ayo qofka inta dib u celiya ee soo sixi kara Qaladka ay sameysay?!

Sheekadeedu waxay noqotay mid aan ka noqosho laheyn laakiin mudan in lagu qoro buugaagta taariikhda si jiilka dambe loo tuso.
Istaahil Cabdi sheekadeedu waxay ka billaabatay Guriga saaxiibadeed Malyuun, Malyuun waxay ka mid aheyd Gabdhaha sida aadka ah u isticmaala Internetka.
Intii lagu jiray Marti qaadka istaahil waxaa la tusay sida loo isticmaalo internetka, istaahil aad ayay u daneynaysay in ay wax badan ka barato isticmaalka aaladdan oo iyada u aheyd wax weyn oo nolosheeda ku cusub.
Muddo sadex bilood ah ayay ku qaadatay in ay barato wax walba oo internetka ku saabsan, waxaa la baray Chat-rooms-ka oo dhan, waxaa la baray sida wax loo baaro iyo sida website-yada cusub loo raadiyo kuwooda wanaagsan ee wax laga faa’idi karo iyo kuwooda xun ee dadka dhaqan beddela.
Muddadaas Sadexda Bilood gudahood ah ayay seygeeda Xuseen ku qasabtay in uu guriga keeno internet wireless ah, Xuseen dalabkaasi Markii hore aad ayuu uga soo horjeeday, balse markii dambe ayuu si caga-jiid ah ku ogolaaday, sababtoo waxay ku qancisay in ay daal weyn iyo caajis dareemeyso maaddaama ay ka fogtahay ehelka iyo asxaabtaba.
Waxay seygeeda xujo uga dhigtay in dhammaan asxbaateeda ay internetka isticmaalaan, halkaasna ay kala sheekeysan karto, isla markaana internetku uu uga qarash jaban yahay telfoonka, sidaas ayuuna xuseen ku ogolaaday isagoo xaaskiisa ugu naxriisanaya.

Istaahil waxay billowday in ay maalin kasta asxaabteeda kula sheekeysato internet-ka, ninkeeduna wuu ka istareexay, wax dacwo dambena kama maqal xaggeeda, wuxuuna qiray in uu ka nastay eed-sheegashooyinkeeda.

Mar walba oo uu ninkeeda guriga ka baxo sidii wax waalan bay internet-ka ugu oroddaa, waxay dul fariisataa Computer-ka Labtop-ka ah ee guriga u yaalla ama waxay soo qabsataa Telfoon Smartphone ah oo ay ugu tala gashay in ay internet ku isticmaasho.

Saacado badan ayay ku bixisaa rog-rogidda iyo dhex mushaaxidda baraha Bulshada sida Facebook, Twitter, Youtube iyo kuwo kale, sidoo kale waxay waqtiyo kooban mararka qaar ku bixisaa baar-baarista iyo aqrinta wararka iyo warbixinada lagu qoro website-yada.

Waxay bilowday in ay jecleysato in ninkeeda uu iska maqnaado, Haddana Wax yar markuu sii maqnaado way u xiistaa... Istaahil seygeeda wey jeceshahay, weligiis si ula kac ah uguma gefin, wax yar oo niyaddeeda dhibi karana kuma sameyn, wax kasta oo ay ka codsato wuxuu jecel yahay in uu u fuliyo, haddana sidaas oo ay tahay waa nin aanu dhaqaalihiisu aad u buurneyn marka loo barbar dhigo walaalaheed iyo asxaabteeda.

Si kasta oo ay duruuftiisu tahay wuxuu ku dadaalaa in uu wanaagga xaaskiisa ka shaqeeyo.

Muddo bilooyin ah ka dib, istaahil waxay bilowday in internet-ku uu u noqdo meesha kaliya ee ay farxadda ku dareento… xitaa waxaa ka go’ay xiisihii ay u qabi jirtay in ay ehelkeeda u safarto.

Internet-ka ka hor waxay guriga waalidkeed booqan jirtay labadii ama sadexdii todobaadba mar, hayeeshee imika xiisahaasi wuu ka go’ay, mararka qaar in ay ehelka soo xassuusato oo ay telfoon kula xiriirto ayaaba wax kale oo aan la qiyaasi karin ah.

Mar kasta oo uu istaahil gacaliyaheeda guriga soo galo si deg-deg ah ayay internet-ka ugu oroddaa oo ay si boobsiis ah ku demisaa… xuseen arrintaasi internet deminta ah aad ayay qaadan-waa ugu noqotay, wuu la yaabay! Ma uusan ka shakisneyn xaaskiisa, laakiin kaliya wuxuu doonayay in uu ogaado waxa ay ka dhex sameyneyso internetka?!

Malaha Xuseen wuxuu dareemay Maseyr si kadis ah kusoo booqday ka dib markii uu arkay iyadoo maalin ku jirta “Voice Chat-ka” (Qeybta wada sheekeysiga Codka ah), halkaas oo ay qof kula sheekeysaneysay iyadoo “Microphone” isticmaaleysa.

Markaas ka dib ayuu xuseen billaabay in uu xaaskiisa canaanto, isagoo leh:

- “Internet-ku waa wax ballaaran oo wax badanna laga faa’ideysan karo, maad ka baratid luuqadaha, Taariikhda, Hab-la-dhaqanka bulshada, sidoo kale maad isku deydid inaad sameyso website dadka anfacaya ood iska deysid waxyaabaha maalaa yacniga ah ee aad waqtiga isaga lumineysid?!”

Istaahil canaantaasi uu usoo jeediyay gacaliyaheeda aad ayay u saameysay, waxayna ku fakartay in aysan mar dambe internet-ka u adeegsan si aan macne ku fadhin, oo ay hadda ka dib uga faa’ideysato in ay wax ka kororsato, waxay go’aan ku gaartay in ay iska joojiso “Chat rooms-ka” (Qolalka wada sheekeysiga) kaliya in ay la hadleyso ehel iyo saaxiib qaas ah mooyee.

La soco Qeybta 2aad...
Aweis Haji Nor (Aweys Aar)
Saxafi Qoraa ah
Muqdisho - Soomaaliya
Email: aweysaar@gmail.com
Twitter: @aweysaar
Tel: +252615892117

Comments

Popular posts from this blog

MY CULTURE: ISTUNKA AFGOOYE

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 3aad...