Posts

Showing posts from February, 2018

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 3aad...

Image
ISTAAHIL  (Sheeko Gaaban)  Qeybta 3aad...   Mararka qaarkood marka ay aragti isku fahmi waayaan wuxuu ku hanjabaa in uu ka saari doono liiska asxaabtiisa Facebook-ga (Unfreind dhihi doono). Marka uu u sheego in uu xiriirkooda jarayana waxay istaahil la tahay wax weyn oo muhim ah oo nolosheeda ka hari doona iyo in ay khasaare la kulmi doonto. Markii koowaad ee uu usoo jeediyey in uu codkeeda maqlo wey ka diidday waxay isku deyday in ay u sheegto in aysan awoodin arrinkaasi, laakiin wey ku guuleysan weyday in ay diidmadeeda ku adkeysato. Wax badan oo ay ka doodeen waan wada hadleenaa iyo ma wada hadli karno ugu dambeyn Waxaa leysku dayay in meel dhexe leysugu yimaado. - “Waan wada hadleynaa bishardi hal wada hadal oo kaliya oo aan mar dambe wada hadlin cod ahaan” Markii hore istaahil waxay soo joodisay in wada hadalka laga dhigo Facebook-call (Facebook qeybta codka) laakiin shabeel ayaa diiday oo ku adkeystay in telfoonka laga dhigo wada hada...

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 2aad...

Image
ISTAAHIL  (Sheeko Gaaban)  Qeybta 2aad... Wuxuu ahaa go’aan wanaagsan oo haddii ay waxbadan isku daydo in ay dhaqan geliso bad-baadin lahaa nolosheeda maanta quuska taagan. Si kasta oo ay nafteeda ula hadashay oo ay u canaanatay hadalkii kululaa ee seygeeda ka dib, waxba kama tarin in ay is bar qabato, ku dhex jirka iyo isticmaalka internetka wuxuu u noqday wax sida balwadda ama ka xooggan u qabanaya oo ay si joogta ah u tabeyso. Habeen kastana waxay gaartaa go’aan cusub oo internet-ka ka dhan ah, Laakiin go’aan kasta oo ay gaarto iyo talo kasta oo ay nafteeda hor dhigto waxaa ka xoog badan xiisaha weyn ee uu internetku ku dhex yeeshay nafsaddeeda iyo sida uu nolosheeda u saameeyey. Muddooyinkii dambe waxay gaartay heer ay ka tagto xannaanadii carruurteeda, waxayna u deysay adeegtadii guriga. Waxay xifddisay waqtiyada uu ninkeeda shaqada dhammeeyo ee uu gurigana kusoo aaddan yahay si ay u damiso internet-ka oo uusan ugu arag iyadoo chat-ka ku mas...

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 1aad...

Image
ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Waa yaab iyo Musiibo tii ugu weyneyd…! Marna ma rumeysaneysid waxa ku dhacay iyo waxa dhibaato ah oo ay nafsaddeeda usoo jiidday… Adduunka waxa ugu weyn ee ay hadda dooneyso waa in ay dembi dhaaf hesho iyo in ay iska dhimato inta aaney iyadu dilin nafteeda. Ma garaneyso wax ay nafteeda ku sameyso xaaladdan quuska ah oo ay ku sugan tahay darteed. Maalin kasta oo cusub oo dhalata waxay kusoo dhaweysaa oohin iyo Murugo joogto ah!!! Wey ooysaa oo ooysaa illaa ay gaarto in ay wax arki weyso. Waxay jecleysataa in ay iska geeriyooto, Nolosha oo dhan wax qiimo iyo Nuxur ah uma laha. Si ay qoomamo ku jirto ayay isu weydiineysaa “Maxaan u dhashay?... “Alla fiicnaan laheydaa haddaanba la I abuurin!” Maxay sameyn kartaa wareer joogta ah bay ku sugan tahee?! Wax walba oo ay heysato ama nolosheeda la xiriira waxay ugu muuqdaan kuwo aan Micno laheyn, dhadhanna laheyn. Waxay ogtahay in ay labadeeda gacmood ceeb ugu soo jiitay nafteeda iyo Qoyskeeda...