Posts

Showing posts from March, 2018

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 5aad...

Image
ISTAAHIL  (Sheeko Gaaban)  Qeybta 5aad...  Waxay ku baraarugtay iyadoo joogta meel aysan garaneyn mugdi ah una eg Xero uu Ciidan ka guuray mana xaqiijin karto meesha ay tahay, waxay bilowday in ay qeyliso: “Waa maxay Meeshaan aan joogno? … War xagee ii waddaa…? Ilbiriqsiyo ka dib waa gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya si xoog ahna uga soo dejinaya, wax walba si deg-deg ah ayay ku dhacayaan. Istaahil wey qeylisay …. Wey ooysay … wey rafatay… wax walba oo karaankeeda ah ayay sameysay, bal in ay wax caawiya aragto, Laakiin nasiib darro yaa kaloo caawinaya oo halkaas jooga aan ka aheyn shabeellada ay maanta shabaqa ugu jirto?! Iyadoo sidaas u qeylineysa ayay mar kaliya ka war heshay dharbaaxi ka timid gacan culus oo xooggan, qeylo iyo tuur-tuurid, waxaa u xigay jirdil aan naxriisi ku jirin ilaa ay miyir daboolantay isla markaana ay waxba maqli weysay, waxna arki weysay. Intaas ka dib ma garaneyso wax ay ku sameeyeen, iy...

ISTAAHIL (Sheeko Gaaban) Qeybta 4aad...

Image
ISTAAHIL  (Sheeko Gaaban)  Qeybta 4aad... Waxay ka shalleysay (ka Qoomameysay) guurkeeda iyo nolosheeda, waxay is tusisay in ay dareemeyso cidlo-nimo iyo in ay nolosha kali ku tahay… waxay bilowday in ay maalin kasta ninkeeda ku furto buuq iyo dhibaatooyin hor leh. Qoyskii degannaanta iyo xasiloonida ku jiray, jaceylka, is-ixtiraamka iyo is-qadarinta ku dhisnaa wuxuu maanta marayaa nolol ku dhisan muran joogto ah, is qab-qabsi iyo mushkilad aan sababteeda iyo xalkeeda midna la aqoon. Xuseen arrinkan wuu u adkeysan waayay, wuxuu billaabay in uu guriga ka maqnaado intii uu ka maqnaan jiray in ka badan, illaa uu gaaray in uu guriga u yimaado jiif oo kaliya, xitaa intaas ayuu ku ammaan heli waayay. Ninkii shabeel ahaana aad buu u daahsaday jawaabta uu istaahil ka sugayo oo ah in ay ogolaato kulan iyo is aragti kale oo ay yeeshaan, codsigiisa ayuuna si joogto ah usoo cel-celinayaa. Markii dambe Istaahil wey aqbashay ka noqosho la’aan, waxaad mooddaa i...